Dowladda Federaalka iyo Ururka Xizbul Islaam oo bayaan wadajir ah maanta soo saaray


Arbaco, May 20, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Dr. Omar Abdirashiid Ali Sharmarke ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam, Sheikh Maxamed Xasan Cameey iyadoo kulankaasi uu qayb ka yahay barnaamijka dib-u-heshiisiinta ee dawlddu u soo bandhigtay mucaaradka iyo dadka kale ee ka soo horjeeda.
 
Dawladda KMG ee Federaalka Soomaaliya iyo ururka Xisbul Islaam waxay ku heshiiyeen inay Xisbigu ku biiro dawladda bacdamaa dawladda ay qaaday ku dhaqanka Shareecada Islmaaka.
 
Shirka waxaa ka qayb galay xubno ka kala tirsasn Golaha Wasiirada ee Xukuumada iyo Ururka Xisbul Islaam oo uu ka mid ahaa Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacadde”.

Afhayeenka Dowladda C/qaadir Maxamuud Walaayo

shir11.jpg

Add New Comment