Midowga Afrika oo xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay dib u qabsaneyso Magaalada Jowhar


nikolasB.jpgWakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira oo booqasho labo maalmood ah ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa markii uu Nairobi ku laabtay waxaa uu ka warbixiyay socdaalkii uu ku tegay Muqdisho.

Nicolas Bwakira waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay xaaladdeedu ahayd mid ka degan bishii seddexaad oo uu booqasho ku tegay xiligaas oo uu sheegay in ay dagaallo ka socdeen. Laakin Bwakira meesha kama saarin in ay jireen dagaallo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah oo mararka qaarkood lagu qaado Dowladda.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uu la kulmay madaxda sare ee Dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, isla markaana ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay Nicolas Bwakira in xoogagga ka soo horjeeda Dowladda ay la wareegeen gacan-ku-heynta Magaalada Jowhar oo uu ka talinayay maamul taageersan Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in magaalada Jowhar qabsashadeeda ay ahayd mid maskaxeed bacdamaa sida uu yiri uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

“Waxaan kuu xaqiijin karaa in Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Jowhar dib u qabsan doonto labada maalmood ee soo socota”ayuuna yiri Nicolas Bwakira oo Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale mar la weydiiyay in Dowladda ay gacanta ku wada heyso magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in guud ahaan magaalada Muqdisho ay Dowladda gacanta ku wada heyso, wuxuuse qiray in ay jiraan dagaallo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqa ah oo mararka qaarkood ay ku soo qaadaan kooxaha ka soo horjeeda.


Add New Comment