Madaxweyne Shariif oo maanta cafis u fidiyay dhalinyaro ay Dowladdii C/llaahi Yuusuf falal argagixiso ku xirtay

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta cafis u fidiyay dhalinyaro maxaabiis ahaan ugu xirneyd Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo Dowladdii hore ee C/llaahi Yuusuf ku soo xirtay falal argagixiso.

Dhalinyaradan cafiska loo fidiyay oo gaaraya ilaa 14-ruux ayaa qaarkood waxaa lagu xukumay 2 sano iyo bar, waxaana maanta markii laga soo daayay Xabsiga la dar daarmay Madaxweynaha oo loogu keenay Aqalkiisa Madaxtooyada.

Taliyaha Ciidamada Asluubta C/llaahi Macalin Cali ayaa sheegay in sii deynta Maxaabiistan ay ka dambeysay kadib markii baaritaano lagu sameeyay dambiyadooda, isla markaana codsi u direen Madaxweynaha.Dhalinayaradan ayaa Xabsiga ku jiray muddo 8-bilood, waxaana intii ay xabsiga ku jireen ay aad uga cawdeen dhibaatooyin ay sheegeen in lagula kici jiray xilligii Dowladdii C/llaahi Yuusuf jirtay, iyagoona sheegay in wax aanay aqoon lagu eedeyn jira sida Argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Qaacida.

Madaxweyne Shariif oo hadal u jeediyay dhalinyaradan ayaa kula dar daarmay inay ka faa'ideystaan fursadan oo ay noqdaan muwaadiniin dalkooda iyo dadkooda wax u tara, isagoona uga digay inay ka qeyb qaataan ficilada hada socda oo uu sheegay in dad culumo sheeganaya inay dhiig faraha kula jiraan.

"Hadii shalay la idinku soo xiray arrimo diineed, maanta waxaa dalka ka dhaqan galay diinta, oo sidaas ayaa cafis la idinku sameeyay"ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadalo soo jiidasho iyo kasbasasho u jeediyay dhalinyaradii uu cafiska u fidiyay.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in qofka muslimka looga baahan yahay in gacantiisa iyo afkiisa laga nabad galo, laakiin waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in dad sheeganaya Muslimiin iyo Culumo inay baneystaan daadinta dhiiga shacabka.

Waxaa uu sheegay in Dalka iminka wixii ka dambeeyay lagu xukumayo shareecada, waxaana uu ka dalbaday ineey fahmaan islaamku inuu yahay nidaam, kala danbeyn, dhowrida sharciga iyo adeecida Madaxda.

"Waxaan idinka digayaa oo aan idinku talinayaa in aadan ku kadsoomin fikradaha hada socda oo dhalinyaro badan la qaldayo oo ah in qof muslim ah lagu qanciyo inuu isku qarxiyo qof walaalkiis oo muslin ah"ayuu mar kale ku celiyay Madaxweyne Shariif oo aad ugu dheeraaday dar daaranka dhalinyaradii uu maanta cafis u fidiyay, isagoona damacsanaa in aanay ku biirin kooxaha Dowladiisa ka soo horjeeda.

Waa markii u horeysay oo Dowladda Madaxweyne Shariif ay cafis u fidiso maxaabiis ay xirtay Dowladdii C/llaahi Yuusuf, iyadoo horay loo xusuusto in dadka ay xirto Dowladdaas ay ka qaadi jirtay lacago baad oo sii deyntooda lagu xiro, taasoo aheyd madax furasho.

.maxaabiis.jpg

Add New Comment