Xubnaha labada Gole ee dowladda ugu jira beesha Hawiye oo maanta Muqdisho ku kulmay


Xubnaha Beelaha Hawiye uga jira abada Gole ee Dowladda (Golaha wasiirrada iyo Barlamaanka) ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho, kulankaasoo ay kaga hadleen xaaladda dagaal ee ka jirta dalka guud ahaan gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Kulankaani ay maanta ku yeesheen hoteelka Naaso Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho wasiirda iyo xildhibaanada ka soo jeeda beelaha hawiye oo ahaa mid ay alaabadu u laabanyihiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xildhibaanada Barlmanka KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye waxaana ka soo qeyb galay golaha Wasiirada ee ka soo jeeda beeshaasi.

 

Kulankaani ayaa ujeeddada loo qabtay ay ahayd in lagaga wada hadlo  dagaaladii u dambeeye ee ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka oo ay beesha Hawiye degto.


Kulankaasi kadib ayaa wasiirka cadaaladda dowladda KMG Soomaaliya Cadiraxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow oo ka mid ah wasiiradii ka qeyb galay kulanka waxa uu saxaafadda u sheegay in waxayaabiihi ay kulankaasi isugu soo qaadeen ay aheeyd marxaladda haatan uu dalku marayo iyo dagaalada looga soo horjeedo dowlada KMG Soomaaliya iyo sidoo kale sidii arimahaasi oo dhan looga hortagi lahaa.

 

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka dowladda KMG Soomaaliya C/raxmaan Janqoow ayaa tilmaamay in kulankaasi ay ka soo baxeen sedax qodob oo kala ah:


1 - In la mideeysnaado oo xubnaha iyo Xildhinaabada Barlamanku iyo wasiiradu ay hal aragti ka lahaadaan dhibaatada haatan haysa dalka Soomaaliya.

2 -  In laga wadashaqeeyo difaaca dalka meelna looga soo wada jeesto dad ay sheegeen inay  dagaal gardaro ah ka wada dalka Soomaaliya.

3 - In laga wada shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka Soomaaliya guud ahaan.

 

Kulankaani ay maanta yeesheen xildhibanada iyo wasiirda ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa waxaa uu imaanaya xili dhawaan kulan sidaan oo kale ay yeesheen xildhiabaanada ka soo jeeda beelaha hawiye.


Add New Comment