Dayaarado joog hoose ku socda oo maanta lagu arkay Dhoobley


Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Doolow ayaa waxaa ay maanta indhahooda qabteen diyaarado helicopterka ah oo nooca Dagaalka oo jawi hoose ku duulaysa qaybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Dhoobleey ee xadka la wadaagta Kenya. ยจ

Diyaaradahaan ayaan waxaan ilaa hadda la garanayn dalka laga leeyahay balse waxaa la qiyaasayaa in laga leeyahaya wadamada dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya ama dalka Maraykanka.

Shacabka ku dhaqan Degmada Doolow ayaa waxaa la soo daristay cabsi iyagoo dadka rayidka ah cabsi ka qaba in Diyaaradahaan ay u geystaan weeraro cirka ah ama ay weeraraan goobo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo ay gacanta ku hayaan xoogagga wadaadadda ah ee hubaysan.

Ilaa hadda lama saadaalin karo wax dhici kara iyadoo diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya iyo Itoobiya ay ka qayb qaateen dagaalkii lagu burburiyey Maamulkii MMIs ee ka hirgalay sanado ka hor Gobolo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaa Koonfurta Soomaaliya.



Add New Comment