Ciidamo Ethiopian ah oo soo gaaray Kala-Beyr


Ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan watana gaadiidka dagaalka ayaa ka soo tallaabay xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayagoona sida la sheegay hadda ku sugan Isgoyska Kala-Beyrka oo 20 Km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Sababta ay ciidamadan uga soo tallaabeen xadka ayaa waxa ay dad badani ku fasireen inay la xiriirto isballaarinta ay xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam isku sii ballaarinayaan gobollada Hiiraan iyo Galguduud, ciidamadan Ethiopianka ayaa sidoo kale qatar ku noqon kara xoogagga Maxkamadah Islaamka ee ayagu hadda gacanta ku haaya magaalada Beledweyne.

Mar kasta oo ay xoogagga Islaamiyiinta ah isku dayaan inay isku fidiyaan gobollada dalka ayaa waxa sidii caadadu ahayd soo noqda dhaqdhaqaaq ciidamada Ethiopia ay ka billaabaan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo markaasi mar marsiiyo ka dhigta inay soo fool leedahay qatar cusub oo dalkeeda ku soo wajahan.

Lama oga halka uu xaalku ku dambeyn doono, laakiinse wararka naga soo gaaraya gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in dadku qaar ay u arkaan in ay ciidamada Ethiopia ku soo noqdaan gudaha Soomaaliya ay ku imaaneyso xasildarrada aan xikmadda ku saleysneyn ee ay ku dhaqaaqayaan xoogagga mucaaradka ku ah dowladda Islaamiga ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Add New Comment