Dowladda Soomaaliya oo ciidamo fara badan oo gurmad ah u dirtay magaalada Jowhar


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabnimadii maanta ay magaalada Muqdisho ka ambabaxeen ciidamo fara badan oo ay leedahaya Dowladda Soomaaliya kuwaasoo ay is kaashanayaan ciidamada Maxkamaha Islaamka, kuwaasoo sida lagu soo warramayo ku sii jeeda magaalada Jowhar oo  ay maanta gelinkii hore xoogagga Al-Shabaab la wareegeen gacan ku haynteeda.

CmaxkamadahaB.jpgCiidamadan Dowladda ee ka baxay magaalada Muqdisho ayaa sida ay wararku sheegayan ah kuwo aad u tiro badan kuna hubeysan gadiidka dagaalka oo aad u fara badan, waxayna sida lagu soo warramayo gacan siin doonaan ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ee maanta isaga baxay magaalada Jowhar kaddib dagaal ay halkaasi kula galeen ciidamada Ururka Al-Shabaab oo hadda ayagu gacanta ku haya magaalada Jowhar.

Ciidamadan ayaa sida la saadaalinayo si sahlan wax uga beddeli doona xaaladda dagaal ee haatan ka taagan goobo badan oo ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan kaddib marka ay halkaas gaaraan, ayagoo sidoo kalena gacan ka heli doona ciidamada Maxkamadaha ee gobolladaasi.

Ciidamadan galabta ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo warramayaa inuu horkacayo sarkaal ka tirsan Maxkamadah Islaamka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Macallim.

Dagaalladii beryahan dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho ayaa waxa muuqata inay hadda ku sii baahayaan gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Gal Gaduud.

Add New Comment