Sheekh Indha Cadde oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho


Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho ku qabteen Ururka Xisbul Islaam garabka ay hoggaamiyaan Sheekh Maxamed Xasan Cameey iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa waxaa ay si buuxda u caddeeyeen inay ku biireen Dowladda Soomaaliya, ayagoo sidoo kalena sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacaan dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya.

 

Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa  mar uu  ka hadlayey kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya sheegay inay yihiin kuwo qaswadeyaal ah, asagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay difaacan Dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

IndhoB.jpgSheekh Indha Cadde ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha Dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Ra'iisul wasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada  oo ay dhammaantood ka wada hadleen xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa waxaa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in gudaha magaalada Muqdisho uu haatan ku sugan yahay Sheekh Xasan Turki. laakiinse sheegay inuusan asagu waxba ka ogeyn sababaha ka dambeeya imaatinkiisa magaalada Muqdisho.

 

Shirkan jaraa'id ee ay maanta qabteen labada mas'uul ee garabkan Xilbul Islaam Sheekh Cameey iyo Sheekh Indha Cadde ayaa ku soo beegmay xilli ay xalay saqdii dhexe ciidamo ifara badan iyo hubkooda oo uu garabkoodu lahaa kasoo guureen warshaddii baastada, una soo wareegeen qaybaha ay magaalada Muqdisho ka fadhiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.



Add New Comment