Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Jowhar


Xoogaga Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa maanta barqadii la wareegay  gacan ku heynta magaalada Jowhar, kaddib markii ay kula dagaalameen ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee horey u joogay halkaas meel duleedka ka ah magaalada Jowhar.

Wararka laga helayo magaalada Jowhay ayaa sheegaya in xoogagga Al-Shabaab ay hadda si buuxda gacanta ugu haayaan magaaladaas, ayadoo magaalada dhexdeedana lagu arkayo gadiidka dagaalka iyo ciidamo ay leeyihiin Al-shabaab, ayadoo meelaha sida rasmiga ah ay joogaanna ay ka mid yihiin saldhigga boliiska iyo xarunta maamulka gobolka.

Warar aan la hubinna waxay sheegayaan in xoogagga Al- Shabaab ay dagaalka Jowhar ku weheliyeen xoogagga Xilsbul Islaam ee dhowaanta laga keenay gobollada Jubooyinka oo uuna horkacayey wadaadka lagu magacaabo Xasan Turki.

Mas'uuliyiintii iyo ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ee isaga baxay magaalada ayaanan la ogeyn halka ay u jiheysteen, ayadoo haatanna ay xaaladda ammaan ee magaalada Jowharna tahay mid guud ahaan deggan.

Add New Comment