Dagaalo culus oo galabta dib uga qarxay deegaanada Maxaas iyo Wabxo ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Shabelle: WABXO
Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Maxaas iyo deegaanka Wabxo ee gobolada Hiiraan iyo  Galgaduud halkaasi oo ay dhawaan kula dagaalameen ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna iyo kuwa deegaanka ah.
 
Dagaalka ugu darnaa ayaa waxaa uu galabta ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasi oo maanta ay la wareegeen kooxo deegaanka ah oo garab ka helaya Maxkamadaha Islaamiga iyo Ahlu Sunna Waljamaaca halkaasi oo ay caawa weerareen ciidamada Al Shabaab,waxaana wararka caawa degmadaasi laga helayo ay sheegayaa in Al Shabaab ay mar kale gacanta u gashay degmada Maxaas.
 
Dagaalka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii hore ka bilowday hareeraha degmadaasi ayaa waxaa markii dambe la isla galay gudaha degmada,waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in dagaalkaasi uu geystay qasaare nafeed.
 
Ilaa 4-ruux oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa loola caraay cusbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan iyadoo sidoo kale ay jiraan 3-kale oo iyana la geeyay xarumo caafimaad oo ku yaala gudaha gobolka Hdagaal _la_aadayo (1).JPGiiraan kuwaasi oo dhamaantood ah dad rayid ah.
 
Dhanka  kale Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen deegaanka Wabxo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo maalintii shalay ay kala waregeen ciidamo ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca,waxaana halkaasi galabta ka dhacay dagaalo xoogan oo la isku weydaarsaday hub culus.
 
Dagaalka oo ka bilowday duleedka deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa caawa rasaastu ay ka dhaceeysay gudaha deegaankaasi.
 
Lama oga cidda sida rasmiga ula wareegtay gacan ku heeynta deegaankaasi maadaama ay wali ka dhaceyayaan rasaas iyo hub kale oo aad u culus.
 
Dagaalada ka kala dhacay deegaanada Maxaas iyo Wabxo oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa inta la hubo waxaa ku nafwaayay 10-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 9-kale kuwaasi oo qaarkood ahaa dad rayid ah halka inta kalena ay yihiin dhinacyada  uu dagaalku u dhaxeeyo.
 
Dagaalada ka ka dhacaya gobolada Hiiraan  iyo galgaduud ayaa waxaa uu u muuqdaa mid maalinba maalinta ka dambaysa  sii xoogeysanaya,iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo haatan u istaagtay in ay joojiso dagaalada dhexmaraya Xoogaga Muqaawamada.
 
 
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
 
Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Shabelle Media Network - Source of Somalia News

 
 

Add New Comment