Dowladda Soomaaliya oo maanta ku gooddisay inay tir tireyso kooxaha mucaaradka


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhawaajisay in maalmaha nagu soo aaddan ay gebi ahaanba dalka ka sifeyn doonto kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda ee dagaallada ka wada magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageero ka heysato shacbiga Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warkaan sheegay mar uu ka qaybgalayey munaasabad lagu xusayey aasaaskii Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) oo ku aaddaneyd maanta oo bisha May ay ahayd 15, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan dalka uga sifeyn doonto xoogagga doonayey inay shirqoolaan dowladda.

 

Waxa hadalka wasiirka ka mid ahaa : “Dowladda Waxaa ka go’an in ay iska  difaacdo mucaaradka mooryaan-diineedka ah oo magaca Islaamka iyo diinta ku dhuumanaya, waxaana idiin balan qaadaynaa in maalmaha soo socda wadanka laga sifeyn doono oo meelihii ay ka imaadeen ay ku noqdaan”ayuu yiri Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga dowladda KMG Soomaaliya.

 

Waxa asagana sidoo kale munaasabadaas 15-ka May ka hadlay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka Tamarta Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo  sheegay in wax lala yaabo ay tahay in xoogagga mucaaradka ay ka soo horjeestaan hogaamiyahoodii Maxkamadaha Islaamiga oo haatan madaxweyne u ah dalka Soomaaliyeed.

 

Hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli ay beesha caalamku ay aad u eedeyneyso kooxaha dagaallada ka wada magaalada Muqdisho ayna soo baxayaan baaqyo fara badan oo lagu sheegayo in la taageero Dowladda Soomaaliya, ayadoo isla mar ahaantaana ay siddeed maalmood oo xiriir ah ay dagaallo ba'an ka socdeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.



Add New Comment