Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ahlu Sunnah oo galabta ka qarxay Baardheere


Dagaal u dhaxeeya Xoogaga Al-Shabaab iyo  Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa galabta ka qarxay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyada oo uu dagaalkuna uu salku ku haayo munaasabada xuska Nabi Muxamed NNKH.

Dagaalka ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa uu haatan ka socdaa agagaarka Masjid lagu magacaabo Geed Awoowe, halkaasoo la sheegay in Culimada Ahlu Sunah Waljamaacah ku qabanayeen munaasabada xuska dhalashada Nabiyullaah Muxamed NNKH, mana la oga ilaa iyo haatan qasaaraha uu geystay dagaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab oo maalmahan digniino ku aadan xuska bisha Mowliid ee dhalashada Nabi Muxamed ka soo saarayay Gobolkaas ay ku weerareen Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah oo xaflad lagu weyneynayo ku qabanayay Masaajid ku yaal Duleedka Degmada Baardheere.

Dagaalka galabta ayaa waxaa uu sababay in la xiro dhamaan howlihii ganacsiga ee halkaasi ka jiray waxaana dadweynaha ay isugu tageen agagaarka buundada Baardheere ee gobolka Gedo iyagoo wal wal ka qaba inuu sii xoogeysto dagaalka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa warbaahinta Baardheere la isku weydaarsanayay hadalo kala duwan iyadoo culumada Ahlu Sunna Waljamaacah ay ku adkeysanayeen in ay xusayaan Munaasabadda Dhalashada Nabigeena Muxamaed (NNKH) halka xoogaga Ururka Alshabaab ay iyana diidanayaan sida ay u xusayaan Culumada Ahlu Sunah.

Add New Comment