Madaxweynaha Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayagoo ku sii jeeda  dalal  ku yaalla bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika.madaxweyne.jpg

Madaxweynaha ayaa waxa socdaalkiisa ku wehliya Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka boostada iyo isgaartiinta Cabdrisaaq Juriille, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdalla Boos Axmed iyo xubno kale ayaa waxay socdaalkooda ugu horreeya ka bilaabayaan Dalka Kenya, iyagoo kadibna u sii gudbi doona dalalka Uganda, Burundi iyo Ruwanda.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Xeyle ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in socdaalka madaxweynaha uu yahay mid la xiriira martiqaad uu ka helay madaxda dalalka uu booqanayo.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu Madaxweyne Shariif ku aado ka tirsan Bariga iyo bartamaha Afrika, marka laga reebo dalalka Djibouti iyo Itoobiya oo uu horay u booqday.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomalaiya ayaa intii uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho waxaa uu ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo aan horay loo dhaarin, iyadoo Wasiirrada la dhaariyayna ay ka mid ahaayeen Wasiirro ay Beelahooda saluugeen xilalka loo magacaabay, kuwaasi oo la sheegay in laga qanciyay waxyaabihii ay tabanayeen.

Add New Comment