Kooxo burcad badeeda oo laga qabqabtay xeebaha Somaliya ayay Dowladda Kenya ogolaatay in dalkeeda lagu maxkamadeeyo

Midowga Yurub iyo Dowladda Kenya ayaa 06.03.2009 heshiis kala saxiixday dowladda Kenya, iyadoo heshiiskaasna uu ku saabsanaa in Burcadda Badeedda  laga soo qabto xeebaha Soomaaliya lagu maxkamadeeyo dalaka Kenya.
Midowga Yurub ayaa sheegay in howlgal ay Ciidamadooda ka wadaan Xeebaha Soomaaliya loogu magac daray Atalanta ay ku suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan Burcad Badeed fara badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay lagama maarmaan tahay in loo helo meel sharci lagu soo taago.
Shalay ayay ahayd markii 7 Nin oo lagu tuhunsan yahay in ay burcad badeed yihiin kuwaasoo lagu wareejiyay dowladda Kenya, waxaa  raggaasi 7da ah  soo qabtay askarta saaran Markab dagaal oo  Mareykan ah kaasoo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya.
Munaasabadda heshiiskan oo ka dhacday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa dhinaca dawladda Kenya u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Moses Watangula, dhanka Midowga Yurubna waxaa u saxiixay Danjiraha dalka  Jeeg (Czech)u fadhisa dalka Kenya, kaasi oo hadda uu dalkiisa hayo madaxweynenimada Midowga Yurub


burcad_badeed1.jpg

Add New Comment