Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho

Dagaalka ayaa saaka waxa uu dhaxmaray ciidamada Burundi iyo xoogagga ka soo horjeeda waxaana dagaalka layusku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Iska hor-imaadkaasi waxa uu  bilowday kadib markii ay xoogagga hubeysan ee wax iska caabinta weerar kedis ah kusoo  qaadeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Kuliyaddii Jaalle Siyaad ,waxaana dagaalka uu socday muddo kooban.
Dagaalka culus ee  saaka ka dhacay goobtaasi wararka kasoo baxaya waxa ay sheegayaan ugu yaraan seddex ruux inay ku geeriyoodeen in ka badan  shan ruuxna ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Ururka al-shabab iyo Xisbul islmaai ayaa iyagu hore u shaaciyey inay ka go'an tahay dagaal inay la galayaan ciidmada AMISOM  inta ay joogaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, iska hor-imaadkan saaka ka dhacay  Kuliyaddii Jaalle Siyaad  Si kastaba ha ahaatee la ma oga qasaaraha soo kala gaarey ciidmada Burundi iyo xoogagii weerarka ku soo qaadey waxayna  hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidkii isticmaalayey waddooyinka deegaanadii uu iska hor imaadku ka socday.alshabaab_.jpg

Add New Comment