Markab laga leeyahay Dalka Koonfur Kuuriya oo dhuxul sida ayaa isagoo holcaya ku soo xirtay Dekedda Muqdisho

Markab weyn oo nooca xamuulka qaada ah sidayna dhuxul ayaa xalay isagoo holcaaya gaaray Dekedda
 caMarkab_Dab_qabsaday_8.JPGalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaana Markabkaasi oo dhuxulsha uu  ka soo raray dekedda Ceel Macaan.  Markabkaasi oo laga leeyahay Koofurta Kuuriya sida ay sheegayaan shaqaalaha Markabka saarani, dabka waxa uu ka yimid  Dhuxul kulul ee uu siday markabka markay ku dhaceen dabeyl xoog badan oo ka jiray badda  dhuxushii   dhimbillo dab ah isu beddeleen   kadibna dabkii  wada gaaray in badan oo ka mid ah  Dhuxushii kale ee Markabka saarneyd  .
Kooxaha  dab damiska iyo dadweynihii ku  sugnaa dekedda weyn ee Mogadishu  ayaa gurmad u fidiyay Markabkaa  gubanayey waxayna ku guuleysteen inay dabka ka demiyaan dhuxusha intii ku hartayna ka dejiyaan.Markabkani oo lagu magacaabo MV Kamsham  waxaa laga leeyahay Koofurta Kuuriya waxaana saaran shaqaale Kuuriyaan ah oo  gaaraya  labaataneeyo  ruux, dhammaantoodana waa ay wada bad qabaan.



Add New Comment