Dibadbax lagu taageerayo bayaankii culumada Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Muqdisho

Dibadbax lagu taageerayo bayaankii ay culumada Soomaaliyeed ka soo saareen magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Muqdisho.
Dibadbaxani oo ay soo agaasimeen golaha horumarinta iyo samatabixinta Soomaalida ayaa go'aankiisa waxaa uu ahaa in la taagero go'aanada ay culumaa'uudiinka Soomaaliyeed ka soo saaray magaalada Muqdisho.Sheekh Axmed Daahir Aweys oo ka mid ah culumaaudiinka heyadda culimada Somaliyed oo ka mid ahaa dadkii halkasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax waliba ay mudan tahay in laga hor mariyo ku dhaqanka Shareecada islaamka taasi oo uu shiikhu tilmaamay in looga bixi karo dhibaatada dadka iyo dalka ka taagnaaba, waxaana sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad,  abwaano ay ka mid yihin Abshir nuur Faarax Bacadle iyo Cisman C/llaahi Guure.Dibad baxaan waxaa soo abaabuley Golaha Samadoonka oo dhawaan laga sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana ay kasoo qeyb galay dadweyne fara badan oo ka kala yimid Degmooyinka magaalada Muqdisho , kooxaha mucaaradka ku ah joogista askarta shisheeye ee AMNISOM iyo waxgarad kale.
Dhanka kalena, bannaanbax kale oo lagu taageerayay dadaallada nabadgelyada ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isla markaana looga soo horjeeday go'aankii Maxkamadda Hague ee ku saabsanaa in la soo xiro madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa wuxuu ka dhacay Beerta Daraawiishta ee magaalada Muqdisho, waxaana bannaanbaxaas soo qaban qaabiyay Majmaca Culimada Soomaaliyeed.
banaanbax.jpgbanaanbax1.jpg

Add New Comment