Maxkamadda caalamiga ee damnbiyadda dagaal oo amartay in la soo xiro Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir

Maxkmadda Caalamiga ee damnbiyadda dagaal ayaa ku dhawaaqday in la soo xiroSudan_President_al-Bashir.jpg Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan al-Bashir, isagoo loo heysto danbiyo dagaal inuu ka galay Gobolka Daarfuur oo ay ku nool yihiin mucaarad raba inay ka go'aan wadanka Suudaan .
Arrintani soo xiridda  waa arrin  aan weli ka dhicin caalamka inta la ogyahay taasoo  noqon doonta  markii ugu horeysay ee ay maxkamadda caalamigu  soo saarto amar ah in la soo xiro Madaxweyne waddan oo weli ku shaqaynayo  xilka mahadweynimo  .
Madaxweyne Al-Bashir, oo isagu beeniyay eedeeymaha loo heyso , ayaa shalay waxa uu sheegay  in Maxkamadda caalamiga  go'aanka xarig oo ay rabaan inay gaaraan  aanu xaq ku saleysneyn , waxuuna yiri waa ku  tagrifay awood iyo dulmi loogu danleeyahay in lagu waxyeelo  nabadda iyo xasiloonida wadankiisa  Suudaan.
Arrinta soo koradhay waxay u  keentay cashabka Suudan cabsi iyo degenaansho la'aan , waxayna keeni kartaa in la weerarro ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga waddankaasi Suudan iyo Safaaradaha Dowladaha ay u arkaan shacabka Suudaan  in ay kasoo shaqeeyeen arrinkani.
Wararka ka imaanayana  magaalada Khartoum ayaa sheegaya ammaanka in si weyn loo xoojiyay  xaaladda caasimadduna aad ayaay u kacsan tahay oo shacabka Suudaan  waxay diideen go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah  ay ka gaartay Madaxweynahooda Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaana la filayaa dibedbaxyo waaweyn shacabka Suudaan inay ku taageeraan Madaxweynahooda kana fogeeyaan dembiga loo haysto .



Add New Comment