Wasiirka Arrimaha Gudaha Sh. C/Qaadir oo xilkii wasaaraddaasi kala wareegay wasiirkii hore Muuse Nuur Amiin

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wasiirka arrimaah Gudaha xukuumadda midnimada qaran Sh. C/Qaadir Cali Cumar wuxuu xilkiisii kala wareegay Wasiirki hore ee arrimaha gudaha Mudane Muuse Nuur Amiin.
Wasiirka arimaha gudaha Sh.C/qaadir Cali Cumar oo hadal jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilkiisa maanta si rasmi ah u la wareego islamarkaana uu wajihi doono arimaha horyaala ee aadka u adag ugana  gudbi doonao si daacadnimo iyo xilkas ay ku jirto isagoo ugu baaqay ummadda Soomaliyeed meel kasto ay joogto in gacan weyn ku siiyaan  sidii  uu howshiisa si wannaagasan ugu gudan lahaa si ay ugu suurtagasho caqabadaha horyaala inuu si fudud uga gudbo .
Sidoo kale wasirrkii hore ee xiilka wareejiyay mudane Muuse Nuur Amiin ayaa waxa uu isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareegay mudane Sh.C/qaadir islamaraakan u la haqeyn doono.
Munaasabaddan lagula kala wareegay xilka maanta waxay ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda  Midnimada Qaran.
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Sh.C/Qaadir Cali Cumar hadal gaaban uu soo jeediyay waxa uu sheegay in uu ogsoon yahay in ey jiraan caqabado badan oo horyaala wasaaradiisa, wuxuuna intaa ku daray in ey sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gudo gali doonaan howlaha balaaran ee horyaala , waxaana la isweydiinayaa sida uu u la hadli doono mucaaradka iyo  qaabka uu Dowladda midnimada qaran iyo  kooxaha kacdoonka ka wada magaalada Muqdsiho iyo Soomaaliya hishiis iyo wada shaqeyn uga dhex abuuri doono  .


Add New Comment