Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Isbitaal ku yaala Nairobi ku booqday Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Muqdisho lagu dhaawacay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa shalay wuxuu Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku booqday dhowr iyo toban Askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom kuwaasi oo dhawaan ku dhaawacmay qaraxyo is-miidaamin ah Muqdisho lagula beegsaday.gandi.jpg

Wasiirka Gaashaandhigga oo markii uu isbitaalka ku booqanayay Ciidamada la socday Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa wuxuu sheegay in ciidamada uu soo arkay oo 15 arkari ahaa ay 3 ka mid ah xaaladdooda ahayd mid culus.

Prof. Gaandi ayaa u rajeeyay Ciidamada ku dhaawacmay Muqdisho caafimaad, kadibna waxaa uu ka codsaday Amisom in ay sii waddo taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan Nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaalida, wuxuuna ballan-qaaday in Dowladda Soomaaliya ay la shaqeyneyso Amisom.

Danjire Nicolas Bwakira oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya ay sii wadayaan taageerada ay u hayaan Dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in taageeradaas nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ah ay sii soconeyso.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Amisom oo fariisin ku leh Jaamacaddii Umadda lala beegsaday qaraxyo is-miidaamin ah iyadoo halkaasina ay ku dhinteen 11 askari, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Qaraxyadaas is-miidaaminta ah oo labo ahaa waxaa sheegtay in uu ka dambeeyay Ururka Al-Shabaab oo Afhayeenkiisa Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu sheegay in ay khasaare ugu geysteen Ciidamada Amisom ee ku sugan Jaamacaddii Umadda.

Add New Comment