TACSI

                          
inaalilaahi[1].jpg


Allaha u naxariistee Shiikh Ibraahin Maxameded Cali (Suuleey) oo ka mida ahaa culumaa’udiinka Caanka ka ahaa dalka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyoday  magalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyada la magac baxday  Somaliland.
 Shiikh Ibraahin Max’ed Cali (Suuleey) wuxuu  dalka Saudi Arabia  ka soo bartay diinta islaamka gaar ahaan Axaadiista Nabageena N.N.K.H. Sheekha  sannadkii1969 ayuu kusoo laabtay dalka Soomaaliya isagoo  ka bilaabay in uu dadka baro diinta islaamka gaar ahaan Axaadiista nabigeena N.N.K.H.

Shiikh Ibraahim Suuley wuxuu ka mid ahaa Mashaayiikhdii  ugu horreeyay oo fidinta Axaadiista Nabi Muxamed NNKH soo gaarsiiyay Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

Wiil uu Sheekha dhalay sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey  ayaa Saxaaafadda u sheegay In sheekha lagu aasay  Qubuuraha Naasahablood ee Magaalada Hargeysa.

Caalimka weyn ee Marxuum Sheekh Ibraahim Max’ed Cali Suuleey oo ay da’diisa ku dhaweyd 80 sano ayaa wuxuu ifka kaga tagay 7 caruur ah oo isugu jira 6 wiil iyo 1 gabar.

Geerida Shiikh Ibraahin Max’ed Cali ( Suuleey) waxaa ka tacsi gudanaya Eheladii iyo carruurtii uu ka tagayba Maslimiinta  Soomaaliyeed oo dhan , Masuuliyiinta  dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke  Gudoomiyaha baalamaanka iyo dhamaan labada gole ee dowlada Midnimada Qaran iyo masu'uliyiinta website ka www.Silgor.com.

Add New Comment