Ruushka oo maraakiib dagaal oo hor leh u soo diraya xeebaha Soomaaliya

fleetS.jpg

Dowladda Ruushka ayaa waxaa ay go’aamisay in maraakiib dagaal oo ka mid noqda dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad-badeedda soomaalida u soo diri doonto gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha waddanka Soomaaliya ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

 

Afhayeen u hadlayey ciidamada Badda ee wadanka  Ruushka oo lagu magacaabo Roman Martov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee wadanka Siiriye ee SANA in kooxdaasi maraakiibta dagaalka ah uu hogaamin doono ninka lagu magacaabo Admiral Panteleyev ay ka shiraacan doonaan dalka Ruushka dabayaaqada bishaan aan ku jirno ee Maarso si ay u badalaan koox kale oo ka tirsan maraakiibta dagaalka ee wadanka ruushka oo dib uga soo laabtay xeebaha dalka Soomaaliya.

 

Roman Martov waxaa uu intaasi ku daray in kooxdaasi maraakiibta ah iyo waliba doomo kale oo kaalmeyn doono xiligaani loo diyaarin doono qalabka ay u baahanyihiin sida qaboojiyayaasha maadaama ay u socdaan dhul aad u kulul.


Add New Comment