Xisbul-Islaam oo ka waramay xil ka qaadista Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar


Afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa Wasaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Golaha Dhexe ee Xisbul-Islaam u aqriyey warbaahinta Muqdisho maanta, warsaxaafadeedkaas oo uu xisbigu kaga jawaabayey hadal shalay u soo saaray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) kuna saabsanaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyihii xisbigaas Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.

Sh Muuse Cabdi Caraale ayaa hadalka shalay kasoo yeeray Sheekh Yuusuf Indhacadde ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, waayoo buu yiri "wax xil ah kama haayaan xisbiga dhexdiisa" wuxuuse qiray inay xubin uun ka yihiin, waxa arrinkaas ku kalllifayna uu yahay damac shaqsiyadeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in golaha Shuurada uu go,aan ka soo saari doono mowqifna ka qaadan doono xubnaha ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Dr Cumar.


Shalay ayey ahayd markii xubno ka mid ahaa xisbul islaam oo uu horkacayo Yuusuf Indhacade in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyihii xibul islaam Sh Dr.Cumar iimaan.



Add New Comment