Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisii oo soo gebagabeeye booqashadii rasmiga ahayd ee ay ku joogeen waddanka Suudaan


Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa soo gebagebeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee ay beryahaan ku marayeen magalamadaxda waddanka Suudaan ee Khartuum.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ka koobaan wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta soo gebagebeeyay booqasho laba maalmood qaadatay oo ay ku marayeen magalada Khartoum ee dalka Suudaan, ayagoo u sii  anbabaxay dhankaa iyo magaalada Tripoli ee waddan Libiya, kadibna ay uga sii gudbi doonaan magalamadaxda waddanka Qatar ee Dooxa oo uu ka dhici doono dhammaadka bishan Shir-madaxeedka dalalka Carabt.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen waddanka Suudaan kulama kala duwan laqaateen madaxweyne Xasan Al-Bashiir, xukuumaddiisa, safiiro, iyo  jaalliyadda Sooomaaliyed, maamulka ardayda Soomaaliyeed, odayaasha , ganacsatada ku soo booqatay halka uu deganyahay.

Madaxweynaha dowlada qaran waxa ku wehliya safarkani wasiirka maaliya, ahna kuxigeenka reā€™isal wasaaraha shariif xasan sh aadan, wasiirka isgaarsiinta c/risaq cusman gurile, iyo wasiirka macdanta iyo biyaha cabdale boos waxa kale oo lasocday madaxweynaha xildhibaano ay kamidyahiin mustaf dhuxulow, daahir geele waxana madaxweynaha iyo wafdigiisa usii anba baxeen dhankaa iyo dalka Liibiya.

Add New Comment