RW Cumar Cabdirashiid oo cududaar ka bixiyey hadalkii wasiirka arrimaha dibedda


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Abdullaahi Oomaar, kaas oo uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay dalab ku saabsan in Ciidamo shisheeye oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa cudurdaar bixiyey kaddib kulan deg deg ah oo uu la qaatay Golihiisa Wasiirada, isagoona sheegay inuu ka xun yahay in hadalkaas uu kiciyo dareenka dadka Soomaaliyed.

Dr. Cumar Cabdirashiid ayaa ku celceliyay in xukuumaddiisu aanay raalli ka aheyn wax dhibaato u keeni kara shacabka ama dareenkooda kicin kara, waxaa uu sheegay in arrinta ku aadan dalbashada ciidamada ay tahay arrin kicineysa shacabka, raali galina in laga bixiyo ay mudan tahay.

Hadalkani maanta ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha dowalada kmg Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili wasiirka arimaha dibada xukuumadiisa uu magaalada New York ka sheegay in loo baahan yahay ciidamo dheeri ah oo dalka Soomaaliya loo soo diro taasi oo dareenka dadka shacabka kicisay isla markaana walwal xoogan ku beertay.

Add New Comment