Xisbul Islaam oo Dr. Cumar Iimaan xilkii guddoomiyenimo ka qaaday


Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Isbaheysiga Xisbul Islaam ee uu madaxa u ahaa Dr.Cumar Iimaan ay isaga baxeen Xisbul Islaam ayna xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Xisbul Islaam Dr.Cumar Iimaan Abuubakar.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa maanta ku dhawaaqay inay xilkii Gudoomiyenimo ee Ururka Xisbul Islaam ka qaadeen Dr. Cumar Iimaan Abuubakar kaddib markii uu Sheekh Cumar Iimaan u hoggaansami waayey go,aankii Culumada iyo bayaankii ay soo saareen.

Xubnahan ka go,ay Xisbul Islaam ayaa waxaa ay isku hayb yihiin Sheekh Yuusuf Indhacde waxaana sabab u ah khilaaf ka dhex qarxay Sheekh Yuusuf Indhacde iyo madaxda Xisbul Islaam iyo culays uga yimid Yuusuf Indhacde beesha uu ka soo jeedo oo haatan taageersan Madaxweyne Sh Shariif Sh Ahmed.

Guddoomiyaha Xisbul Islaam ayaa waxaa loo magacaabay Sheekh Maxamed Xasan Cameey, iyadoona lagu eedeeyay Gudoomiyihii hore Dr. Cumar Iimaan inuu jebiyay xeerkii Xisbul Islaam waaa sida ay hadalka u dhigeene.

Xubnahan ka go,ay Xisbul Islaam ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Warshadii hore ee Baastada ayaa sheegay inay go'aansadeen inay xilka ka qaadaan Dr. Cumar Iimaan Abuubakar, iyagoona qodobo dhowr ah ka soo saaray xil ka qaadistiisa iyo xaalada dalka uu marayo .

Qodobada ay soo saareen Xubnaha ka Go,ay Xisbul Islaam waxaa ka mid ah.

1. Markii ay caddaatay in uu jabiyey heshiiskii lagu dhisay Xisbiga kaa soo ahaa in la yahay hal Xisbi, uuna ku  dhaqmay wax khilaafsan heshiiskii.

2 .Xisbiga oo galay dagaal aanu amrin Mas’uulka Xisbiga, waxna uu ka qaban waayay.

3.Isagoo diiday go’aankii iyo bayaankii shirweynihii culumada Soomaaliyeed, xubnaha kalena ku qancin waayay si waafaqsan shareecada Islaamka.

4. Sidoo kale waxaa guddoomiyha cusub ee xisbul Islaam lagu dhawaaqay inuu noqdo Sheekh Maxamed Xasan Cameeey.

5-In Xisbul Islaam  uu taageersanyahay Bayaankii Culumaa udiinka Soomaaliyeed ay soo saareen.

Ilaa haatan wax Jawaab ah kama bixin Xisbul Islaam xubnahan sheegay in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyahii Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wadahadal uu u socdo Sheekh Indhacde iyo madaxda Dowladda KMG, waxaana loo badinayaa in Indhacde uu ku biiri doono  dowlada Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh  Axmed.

Add New Comment