Ciidamada MMI oo la wareegay ammaanka degmada Shibis


Ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa la wareegay ammaanka degmada Shibis oo ka tirsan degmooyinka Muqdisho halkaas oo ay ka jirtay ammaan xumo iyo dhac ay geysan jireen ciidanka dowladda KMG.

Afhayeenka MMI garabka Wasiirka arrimaha gudaha , Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddow ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay illaa xalay ay ciidamo ka tirsan Midowga Maxkamadaha geeyeen saldhiga degmada Shibis ayna haatan ku sugan yihiin halkaas.

Sh Cabdiraxiim Ciise Caddow ayaa sheegay in ay ciidamada geeyeen degmada Shibis ka gadaal markii ay dadweynaha ku dhaqan degmada Shibis ay ka codsadeen in loo soo gurmado oo laga qabto dhaca ay wadaan ciidamo halkaas joogay .

Ciidanka MMI garabka wasiirka arrimaha gudaha ayaa la wareegay haatan degmooyinka kala ah  Shibis, Boondheere,  Kaaraan, Yaaqshiid, Waaberi  EX Kontorol Balcad Wadada Al-Makka Mukarama iyo Isgoysyo ku yaal magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wada in ay kooxdiisa taageersan si tartiib ah isigu fidshaan degmooyinka qaarkood iyaga oo kaashanaya beelaha hawiye ee dega magaalada Muqdisho xili xoogagag Al-Shabaab iyo Xisbul Islaamina ay isku diyaarinayaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen dowlada uu madaxa ka yahay gudoomiyihii hore ee MMI Sh Shariif Sh Ahmed oo haatan uusan cadeyn mowqifkiisa kama danbeynta ah ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka.



Add New Comment