Xildhibaan ka tirsan barlamaankaa oo ka biyo diiday codsiga wasiirka Arrimaha Dibedda ee ciidamo QM oo dheeraad ah

Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo ka hor yimid go'aankii ay Dowladda ay ku dalbatay Ciidamo shisheeye.
Mudane ka tirsan Baarlamaanka Midnimada Qaran ayaa maanta kasoo horjeestay dalabkii uu bixiyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Abdullahi Oomaar kaas oo uu Golaha Ammaanka kaga dalbaday Ciidamo shisheeye oo dheeraad ah.

Sheekh Axmed Cabdullaahi oo loo yaqaan Sheekh Fanax oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka isku dhafka ah, gaar ahaan dhinacii ka yimid Isbaheysiga Dib u xoreynta garabkii Jabuuti ayaa ku tilmaamay arrinta dalabshada Ciidamada Shisheeye ay tahay mid ku gaar ah Wasiirka Arrimaha Dibadda.

"Ma jirto codsi ka yimid Dowladda Midnimada qaran oo lagu dalbanayay Ciidamo Shisheeye oo hor leh, marka dalabka Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr Oomaar waa mid isaga u gaar ah"ayuu yiri Sheekh Fanax oo ka mid ahaa Saraakiishii Maamulkii Midowgii Maxkamadaha ee sanadkii 2006-dii ka hana qaaday Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sheekh Fanax ayaa tibaaxay in dhowaan Golaha Wasiirada uu meel mariyay qaraar ku saabsan in dalka laga hirgeliyo, waxaana uu intaa ku daray in la qaato ku dhaqanka shareecada islaamka iyo in la keeno Ciidamo Shisheeye aanay isla meel galeyn.

Hadal uu xalay ka jeediyay Fadhiga Golaha Ammaanka uu ku yeeshay magaalada New York Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Abdullahi Oomaar ayuu kaga dalbaday in Ciidamo shisheeye oo gaaraya saddex kun, kuwaasoo uu ku sheegay inay ka imaan doonaan Dalalka Uganda iyo Brundi, waxaana uu ka codsaday Golaha in la taageero.

Add New Comment