Madaxweynihii waddanka Guinea-Bissau, Joao Bernardo Vieira ayay ciidamada gadoodsan toogasho ku dilleen


guineaflag.jpg

guinpres.jpgMadaxweynihii dalka Guinea Bissau  Joao Bernardo Vieira ayaa toogasho lagu dilay, saacado yar uun kaddib markii uu taliyihii ciidamada qalabka sida ee isla waddankaas asagana la dilay, kaasoo sida la sheegay ay aad isaga soo horjeedeen Madaxweynaha.

Afhayeen mileteri oo  u hadlay ciidamada ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ciidamadu ay dileen madaxweynaha oo markaasi isku dayayay inuu ka baxo guriga madaxtooyada ee magaalada Bissau, wuxuuna kaloo sheegay in arrintu aanay ahayn afgembi mileteri, caasimadda iyo guud ahaan waddankuna ay deggan yihiin.

Guinea-Bissau waxay ku taal galbeedka qaaradda Africa, waana dal yar oo ka mid ah waddamada adduunka ugu saboolsan, waana dal ku caam baxay afgembiyada mileteri, waxa kale oo ay marin istaraatiiji ah u tahay isu gudbinta muqaddaraadka coccaine-ka soo gala qaaradda Europe.



Add New Comment