RW Sharma'arke oo la kulmay Odayaasha Hawiye


Ra'iisul Wasaaraha DKMG ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, iyagoona ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto xal u helidda xaaladda ammaan ee  Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayey labada dhinac isku dhaafsadeen aragtiyadooda, iyadoona ugu dambeyn ay Odayaasha Hawiye shuruudo hor dhigeen Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Gudoomiyaha Odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Jimcaale (Xaad) oo saxaafada kula hadlayay afaafka hore ee Hoyga Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha ay kala hadleen sidii looga hortagi lahaa dagaalo kale oo dalka ka dhaca, sidii Ciidamada AMISOM dalka looga saari lahaa iyo sidii dib u heshiisiinta loo sii wadi lahaa iyo sidii Shareecada Islaamka dalka loogu xukumi lahaa.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha ay siiyeen tallooyin dhowr ah oo ay ugu weyn tahay xal u helida Caasimada Muqdisho oo rabshadaha ugu badan ka dhacaan.

"Waxaan u sheegnay Ra'iisul Wasaaruhu in joogitaanka Ciidamada AMISOM aanu faa'ido badan u keeneyn shacabka, waxaase ku talinay in Ciidamada AMISOM dalka laga saaro, si loo helo nabad iyo xasilooni, waxaan kaloo u jeedinay in dib-u-heshiisiinta la sii wado iyo in aaney dagaallo kale dhicin iyo in shareecada Islaamka dalka lagu xukumo, waana naga aqbalay Ra’iisal Wasaaraha”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ah nin degan oo ay u dheer tahay xilkasnimo ayaa u muuqda mid uruursanaya xogta dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna shalay kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu iyana kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Xukuumada uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa cadaadiska ugu badan ee la saarayo ayaa ah inay qaadato ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ah tan kaliya ee horseedi karta xalka umada, iyadoona wali Xukuumada aanay si toos iyo si dad ban uga hadlin ku dhaqanka shareecada Islaamka ee laga war dhowrayo inay ansixiyaan, inkastoo uu dhowr jeer ku cel celiyay Madaxweynaha inuu dalka ku dhaqi doono shareecada islaamka.

Add New Comment