Genaral Darwiish oo xilka laga xayuubiyey



Golaha wasiirada dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa shir ay maanta yeesheen ku go'aamiyey in xilkii uu u haayey dowladda laga xayuubiyo taliyihii Nabadsugidda Qaranka General Maxamed Warsame Darwiish.

 

darwiish[1].jpgJagadii laga qaaday Darwiish ayey Golaha Wasiiradu isla maanta u magacaabeen Xilka Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya General Max’ed Sheekh Xasan.

 

Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Cali Max’uud oo kulanka kadib saxaafadda u aqriyay waxyaabaha ay maanta ka wada shireen ayaa waxaa uu xusay in golaha Wasiiradu ay isku raaceen in la fuliyo codsi kaga yimid Wasaaradda Amniga Qaranka taasoo lagu dalbanayo in xil ka qaadis lagu sameeyo taliyihii ciidanka Nabad Sugidda dowladda KMG Soomaaliya General Maxamed Warsame Darwiish.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay wasiirka warfaafinta dowladda midnimada qaran in maanta golaha wasiirada ay go’aansadeen islamarkaana ay mamnuuceen in la iibsado ama la cabirto dhamaan dhulkii ay laheeyd dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Ilaa iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii ayaa waxaa ka jiray dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimadda u ah ee Muqdisho bur burin iyo boob lagu hayo dhulkii ay laheeyd dowladda dhexe ee Soomaaliya taasoo aan muuqan cid ilaa iyo hadda hor joogsatay.

Add New Comment