Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Hogaanka Olimbikada Soomaaliyed (Wiish oo ku guuleystay Gudoomiyenimada)


Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya Doorashada Hogaanka Gudiga Olimbikada Soomaaliyed ee GOS, iyadoona doorashada oo si heer sare ah uga socotay Magaalada Jabuuti uu ugu dambeyn ku guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Olimbikada Soomaaliyed.

Doorashada Gudiga Olimbikada Soomaaliyed oo ay u tartamayeen Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gudigaas oo lagu kala magacaabo C/qaadir Gacal Abkow iyo Kuxigeenkiisa Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Aadan Xaaji Yabow Wiish ayaa la sheegay inuu helay inta badan codkii Xiriirada iyo Ururada soo doorta Hogaanka Gudiga Olimbikada Soomaaliyed, iyadoona 18 ka mid ah ururada iyo Xiriirada kala duwan ay u codeeyeen Mr Wiish, halka C/qaadir Gacal Abkow uu helay cod kaliya.

Doorashada ka dhaceysa Magaalada Jabuuti, gaar ahaan Hotelka Kulan ee lagu dooranayay Hogaanka Gudiga Olimbikada Soomaaliyed waxaa goob joog ka ahaa Wakiilo ka socda Xiriirka Olimbikada Aduunka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan IOC, isla markaana lahaa qaban qaabada doorashadaan.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa doorashada Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Saleebaan Colaad Rooble, Mas'uuliyiin ka socotay Xiriirada Cayaaraha kala duwan ee Soomaaliya, qurba joogta iyo kuwa kale.

Gudiga Olimbikada Soomaaliyed ayaa soo maray heerar kala duwan, iyadoona uu ku caan ahaa is qab qabsiga dhinaca xilalka, waxaana muranada ka dhasha xilalkaas loo aaneeyaa is daba marin iyo lacago lunsasho ay sameeyaan Hogaanada, iyadoo ay usii dheer tahay shaqsiyaadka ama mas'uuliyiinta oo qaarkood ka eegta danahooda gaarka oo ay ugu weyn tahay marka ay aadaan safarada dibadeed ee isboortiga inay baxsadaan.

Add New Comment