Shir looga hadlayo la dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliyeed oo Qaahira ka socda


Kulan caalami ah oo lagaga hadlayo qaabka ugu habboon ee loola dagaalami karo burcad-badeedda Soomaalida ah ee qatarta ku haya isu socodka ganacsiga iyo gaadiidka badda ee caalamka ayaa ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Kulankan oo ah kii labaad ee ay isugu yimaadaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ee la dagaalanka kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya ayaa waxa shir-guddoominayey kaaliyaha wasiirka Arimaha dibadda wadanka Masar Wafaa Basiim ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar.

 

Kulankan oo ay ka qeyb galayana 28-dowladood iyo 6-urur oo isugu jira kuwo goboleed iyo kuwo dowli ah ayaa hadal furitaankiisii ay ka jeedisay kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda dalka Masar waxaa ay ku sheegtay in xooga lagu saari doono arrimaha la dagaalanka kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

 

Mrs Wafaa Baasim waxa kale oo ay sheegtay in shirkani xoogga lagu saari doono sidii loo meel marin lahaa qorshayaal ay soo diyaariyeen Kooxda Xiriirka Caalamiga oo ku saabsan sidii dagaal caalami ah loogu qaadi lahaa burcad-badeedda soomaalida ee ka ugaarsada Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya iyo is-dhaafsiga macluumaadka.

 


Add New Comment