Shaqaalihii Qaramada Midoobay ee shalay la afduubay ayaa sii deyntooda kaddib ka duulay Waajid


Waxaa maanta gegida diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool ayagoo bad qaba ka duulay shaqaalahii Qaramada Midoobay ee ajaanibta ahaa, shalayna lagu afduubtay degmadaasi.

 

Saraakiishani ka tirsan laamaha kala duwan ee hay’adaha QM ee xalay la sii daayay ayaa waxaa ay barqadii maanta ka duuleen garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid iyagoo bad qaba,waxaana ay garoonka ka raaceen diyaarad ay leedahay hay’ada cunada Aduunka ee WFP.

 

Afartani ruux ee u kala shaqeeynayay hay’adaha WFP iyo UNDP ee QM ayaa waxaa ay 3-ka mid ah ahaayeen ajaaniib halka midka kale uu ahaa Soomaali,waxaana diyaarada ay u kexeeysay dhanka Dalka Kenya halkasi oo markii la qafaalanayay ay ku wajahnaayeen.

 

Ka hor inta aysan ka duuliin garoonka diyaaradaha degmada Waajid ayaa waxaa garoonka iyo hareerihiisa amaankiisa sugayay ciidamo ka tiirsan xarkada al shabaab kuwaasi oo ka ilaalinayay in mar kale ay afduubtaan kooxihii shalay dadkani ajaanibta ah afduubtay.

 

Saraakiisha QM ee xalay helay xuriyadooda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay saraakiil kale oo ka tirsan hay’ada WFP ee ku sugan degamad Waajid,wax garad iyo saraakiil ka tirsan xoogaga Al shabaab.

 

Ma jiraan wax war ah oo ay bixiyeen saraakiisha la sii daayay oo ku aadan afduubka loo geystay iyo sida loola dhaqamay,waxaana ay sheegeen in marka ay tagaan magaalada Nairobi ay ka hadlin doonaan waxa ay kala kulmeen kooxihii afduubtay.


Add New Comment