Wasiirka Garsoorka oo maanta booqday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho


Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumada KMG ee Soomaaliya Sheekh Cabdiraxmaan Janaqow oo maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegay in si deg-deg ah maxkamad loo soo hortaagi doono dhammaan maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe, kuwaasoo aan muddo labo sano helin wax maxkamad.

Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in maxaabiista muddada dheer isaga xiran xabsiga dhexe ay dhaqso heli doonaan xukun caadil ah, ciddi dambi lagu waayana ay xorriyaddeeda dib u heli doonaan, wuxuuna cadeeyay in wasaaraddiisa oo howshaas qaabilsan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiista ay caddaalad u heli lahaayeen.

"Waa suurta gal in Maxaabiista qofkii dambi leh Maxkamad ay xukunto, qofkii aan dambi laheyn Maxkamada waa sii deyneysaa"ayuu yiri C/raxmaan Janaqow

Wasiirka ayaa sheegay in aaney Shareecada Islaamka qabin in dad aan waxba galabsan xabsiyada laysaga haayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in wasaaraddiisa ay arrintaas si dhaqso ah wax uga qaban doonto.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Gen. Cabdullaahi Macalin Cali oo gacanta ku haaya Xabsiga ayaa wasiirka ku wareejiyay Maxaabiista, isagoona sheegay in 59-maxbuus oo ay soo kala xirteen Maxkamada Gobolka Banaadir, tan Degmada Xamar Weyne, Dharkenley iyo Maxkamada Ciidamada ay ku hayaan Xabsiga, sidaas darteed ay Wasiirka ku wareejiyeen cadaaladooda iyo maxkamadeyntooda.

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa la soo xiray xilligii ay jirtay Dowladdii TGF-da, waxaana qaarkood aysan helin wax maxkamad ah, iyagoona muddo labo sano ay ahaayeen kuwo xabsiga ku jiray, xilli xaaladooda caafimaad laga deyrinayay.

Add New Comment