Wafdigii Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka degay magaalada Kigaali ee waddanka Rwanda


madaxweyne.jpgMadaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya sheekh Shariif sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta ka degay magaalada caasimadda u ah waddanka Rwanda ee Kigaali, halkaasoo uu kulamo kula qaadanayo dhiggiisa waddankaas madaxweyne Paul Kagame.

 

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa gegida dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Kigaali kaga hortagay, si wanaagsanna halkaas ugu qaabilay Ra'iisul wasaaraha waddankaasi Mr. Bernard Makuza, halkaasoo kaddibna Sheekh Shariif iyo wafdigiisii loo daadihiyey qasarka madaxtooyada dalkaasi, halkaasoo ay kula kulmeen Madaxweynaha waddanka Rwanda.

 

Madaxweynaha Rwanda Mr. Paul Kagame ayaa madaxweyne Sheekh Shariif ugu horreyntiiba ugu hambalyeeyey xilka madaxweynenimo ee loo doortay, ayadoo intaas kaddibna si toos ah ay uga wada hadleen xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo sida wax lagaga qaban karo in Soomaaliya ay dib u hanato dowladnimadeedi.

 

Sidoo kale ayaa waxa la sheegayaa in madaxweyne Sheekh Shariif uu lcaawa la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankaasi Rwanda oo ayagu soo dhoweyn heer sare ah u diyaariyey madaxweynaha.

 

Booqashada Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka tagay waddanka Rwanda ayaa ah lugtii ugu dambeysay booqasho uu ku kala bixinayey beryahan waddamo ku kala yaal bartamaha iyo bariga Afrika, taasoo uu horey ugu soo maray waddamada Kenya, Burundi, Ugandha iyo hadda uu ku sugan yahay Rwanda.




Add New Comment