Ethiopia oo ka hadashay qorshaha Qaramada Midoobey ee ciidamo loo soo diro Soomaaliya


War cad oo ka soo baxay Wasaaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika ay marar badan dalabyo u gudbiyeen Qaramada Midoobay oo ku aaddan in ay ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobe loo soo diro Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Afrika ay codsadeen inay badalaan kuwo ka socda Qaramada Midoobe, si ay amaanka dalka Soomaaliya ula wareegaan.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in Codsigooda la xariira in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobe kuwaasoo badala  kuwa Midowga Afrika, in dalabkaasi ay dhagaha ka furaysteen Qaramada Midoobe.

“Markaan aragnay shuruudahooda adag Qaramada midoobe soo jeediyeen waxaan u aragnaa  inay gebi ahaanba meel iska dhigeen arrimaha la xiriira wadanka  Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada Arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale qoraalkaasi wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya in Qaramada Midoobe ay horay u balanqaaday in hadii ay baxaan kuwa Itoobiya iyo kuwa Midowga AFrika inay Soomaaliya u soo dirayaan Ciidamo badala kuwaas.

Itoobiya ayaa sidoo kale cadeysay inaysan Soomaaliya u soo dirayn ciidamo ka socda dalkeeda, islamarkaana ay ku ekaan doonto xuduudaheeda.


Add New Comment