Dadweynaha degmooyinka wadajir iyo Dharkeynleey oo codsaday in lala soo gaaro qorshaha ammaan sugidda


Dadka ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeeneleey ayaa ku baaqay in la soo gaarsiiyo xaafadahooda howlaha ammaanka lagu sugayo ee ay ciidamada Maxkamadaha Islaamku kula wareegeen ammaanka inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa cabasho ka muujiyay ciidamo ka tirsna kuwa dowlada oo ku sugan degmooyinkaasi,waxaana ay Dadku sheegeen in si xun ay ula dhaqamaan ciidamada dowalada marka ay dhacayaan.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo shabelle u warmayay ayaa sheegay in ciidamada dowalad ay dhac iyo baarasho kula dhaqaaqaan dadka shacabka ah isla markaana ay jirdil u raaciyayaan marka ay dhacayaan ayna degmooyinkaasi weli yaalaana goobaha gaadiidka looga qaado lacagaha sharci darada ah.

 

Qeylo dhaanta iyo cabashada ka soo yeereeysa dadka shacabka ah ayaa waxaa ay imaanyeesaa xili isbadala dhanka amaanka ah laga dareemayo degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir kadib markii ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maxaakiimta islaamiga,waxaana ay sidoo kale qeylo dhaantooda ku soo beegmeeysaa xili shalay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu sheegay in wax laga qabanayo kooxaha ku libisan dareeyska ciidamada ee dhaca u geysanaya dadka shacabka ah.


Add New Comment