Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo la wareegaya ammaanka inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir


Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee taabacsan dowladda  ayaa ku sii fidaaya inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo dadka ku dhaqan ay ka soo sheegan jireen dhibaatooyin ay kala ku hayeen ciidamada dowladda.

Maalinnimadii shalay ay ahayd markii ay ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamku la wareegeen  degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, ayadoo ujeeddada ka dambeysa la wareegeddooda lagu sheegay inay salka ku heyso qorshaha dowladda midnimada qaran ee ku aaddan sugidda ammaanka caasimadda.

Afhayeenka Maxkamadaha Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddow ayaa qorshahan ku tilmaamay mid ammaanka wax looga qabanayo, isla markaana ay si wada jir ah ula shaqeynayaan  Gudiga Ammaanka Gobolka Banaadir ee uu dhowaanta magacaabay Madaxweyne Shariif.

Waxaa uu sheegay in muhiimadda halkaasi loo geeyay ciidamada ay tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka degmadaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taag naayeen falal ammaan xumo, waxaana uu xusay in durbaba halkaasi ay ka sameeyeen howgalo lagu soo qab qabtay 2-qofood oo lagu eedeeyay in ay dambiilayaalyihiin, isagoona sheegay in ay maxkamada soo taagi doonaan.

Sidoo kale Xoogaga Maxkamadaha ayaa kula tala jira inay la wareegaan Degmada Shibis, oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka taagnaayeen dhibaato xaga ammaanka, waxaana horay ay ula soo wareegeen Degmooyin ay ka mid yihiin Shangaani iyo Kaaraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa dhowaan Golaha wasiirada u gudbiyay qorshe wax looga qabanayo Ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo qorshahaas uu ahaa in Maxkamadaha Islaamka la wareegaan meelaha ay ku sugan yihiin Ciidamadii iyo Maamuladii Degmooyinka ee Dowladdii TFG-da.

Add New Comment