Madaxweyne Sh. Shariif iyo wafdigiisi oo ka degay magaalada Kampala


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ee beryahanba booqashada rasmiga ah ku marayey dalal ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta  ka degay magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, halkaasoo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Ugandha.

Madaxweyne Shariif ayaa  ka soo kicitimay waddanka Burundi oo uu ku soo bixiyey booqasho rasmi ah oo qaadatay saddex cisho, halkaasoo uu wadahadal hadal lagu xoojinayo cilaaqaadka labada dal kula soo yeeshay madaxweynaha dalka Burundi.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa wadahadal rasmi ah la yeelan doona dhiggiisa dalka Ugandha madaxweyne Yuweri Museveni, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed oo uu uga warrami doono xaaladda Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynuhu ku marayo dalalka bartamaha iyo bariga Afrika ayaa la sheegayaa inay ku saabsan tahay inta badan sidii leysula meel dhigi lahaa xaaladda ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, ayadoo wararka qaarna ay sheegayaan in xitaa laga yaabo in Sheekh Shariif uu dalalkaas ka codsado inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya.

Add New Comment