Barlamaanka KMG oo maanta markii ugu horreeysay ku kulmay magaalada Muqdisho


Waxaa maanta Kulankii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho xubnaha Golaha Baarlamaanka ee Dowladda KMG, kulankaas oo ka dhacay xarunta gaadiidka Booliska degmada cabdalcasiis ee gobolka Banadir.

kalfadhiB1.jpgGuddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku dhawaaqay tirada xildhibaannada kasoo qaybgalay maanta kalfadhiga Golaha Barlamaanka KMG, wuxuuna sheegay inay dhammaayeen  298 xildhibaan.

Sheekh Aden Madoobe ayaa waxa kale oo uu caddeeyey  in Barlamaanku ku sii shaqeyn doono Xarunta gaadiidka Boliiska inta laga dhameystirayo dayactirka xaruntii hore Golaha Shacabka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Furitaanka Barlamaanka kaddib ayaa waxa la dhaariyay xildhibaano cusub kuwaasoo aan horey uga  qeybgelin munaasabaddii dhaarta ee kol hore ka dhacday  magaalada Jabuuti waxaana uu sheegay guddoomiyuhu in la dhisi doono gudi hoosaadyo uu yeelan doono Golaha Baarlamaanku.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in Baarlamaanka ay horyaalaan  howlo culus, oo ay ugu horreeyso ansixinta go'aankii Golaha Wasiirada ee ku saabsanaa ku dhaqanka shareecada Islaamka ee ay dhowaantaan soo saareen iyo howlo kale oo fara badan.

Add New Comment