Hay'adda Culimada Soomaaliyeed iyo Ahlu-Sunnah oo si isku mid ah u soo dhoweeyey go'aanka G. Wasiirada


Hey'adda Culimada Soomaaliyed ee dhowaantan ku shiray Muqdisho iyo Dariiqada Ahlu Sunnah Waljamaacah ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay go'aankii Golaha Wasiirada ku gaaray in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada Islaamka.

Afhayeen u hadlay Hey'adda Culimada Soomaaliyed ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay ansixinta Golaha Wasiirada, isagoona ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan oo yididiilo leh.

Sidoo kale Mas'uul isna u hadlay Dariiqada Culimada Ahlu Sunnah Waljamaacah oo la yiraahdo Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku tilmaamay go'aanka Golaha Wasiirada inuu ahaa mid loo baahnaa, isagoona carabka ku adkeeyay in go’aankaas uu meesha ka saari doono shaki laga qabo in Dowladda hadda Soomaaliya ka jirta ay tahay mid aan dooneyn in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Allaah.

Hadalkan ay soo saareen culimaa'uddinku ayaa yimid maalin kaddib markii ay Golaha wasiiradu  shalay go'aansadeen si buuxdana isgu raaceen in waddanka Soomaaliya  lagu maamulo shareecada Islaamka, ayadoo ansixinta go'aankaasna la horgeyn doono Barlamaanka KMG ee Soomaaliya oo berrito markii ugu horreeysay isugu iman doona shir ka dhici doona magaalada Muqdishu.

Add New Comment