Golaha Wasiirada Xukuumada Midnimada Qaran oo maanta ansixiyay in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada Islaamka


Golaha Wasiirada Xukuumada Midnimada Qaran ayaa maanta ansixiyay in shareecada Islaamka dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka, taas oo ka dambeysay markii uu dhowaan Madaxweynaha u gudbiyay Golaha Wasiirada qoraalka ku dhaqan shareecada ee dalka.

Kulanka Golaha Wasiirada ee ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa shir gudoominayay Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyadoo kulanka uu socday muddo saddex saacadood oo Xubnaha Wasiirada isku weydaarsanayeen fikradahooda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud, ayaa sheegay in xubnihii ka soo xaadiray Shirkii Golaha Wasiirada ay dhamaantood isku raaceen in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Soomaaliya.

Go’aanka maanta ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbin doonaa Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo 12-ka bishan shirkiisa ugu horreeyay ku yeelan doona Magaalada Muqdisho, iyadoo xiligaas kadibna la rajeynayo in uu Baarlamaanka sidoo kale si aqlabiyad leh u ansixin doono.

Haddii uu Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyo in Shareecada Islaamka Dalka Soomaaliya lagu xukumo waxaa meesha ka bixi doona dood ay qabaan dadka ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sheega in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid aan dooneynin in shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay Dowladda riddo oo wadata Dastuur.

Add New Comment