Gudoomiyaha baarlamaanka kmg Soomaaliya oo Maanta lagu wareejiyay xarunta gaadiidka booliiska oo si kmg ah uu ugu shaqeyn doono baarlamaanka


Gudoomiyaha baarlamaanka kmg Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa  maanta lagu wareejiyay xarunta Gaadiidka Boliiska oo si kmg ah uu ugu shaqeyn doono baarlamaanka KMG.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka Dowladda KMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka, saraakiisha booliiska iyo maamulka gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xarunta gaadidka booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa  lagu wareejiyay Gudoomiyaha baarlamaanka xarunta gaadiidka booliiska si  baarlamaanka uu ugu shaqeeyo si kmg ah illaa iyo inta laga dayactirayo golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

 

General Joon Fiidoow oo ah ku simaha taliyaha ciidamada booliiska dowlada kmg Soomaaliya oo maanta kormeerkaasi ku wehliyay gudoomiyaha baarlamaanka ayaa saxaafada u sheegay in ay ku wareejiyeen gudoomiyaha  xarunta gaadiidka booliiska ee magaalada Muqdisho,waxaana uu tilmaamay in xarunta ay yaalaan qalabkii oo dhan isla markaana ay qaado  3000-oo qofood ayna isticmaali karaan mudanayaasha baarlamaanka

 

Gudoomiyaha baarlamaanka sheikh Aadan Madoobe oo isagu saxaafada kula hadlayay gudaha xaruntaasi ayaa sheegay in ay anfacday xarunta gaadiidka booliiska,waxaana uu ugu baaqay mudanayaasha baarlamaanka in uu dhamaaday waqtigoodii fasaxa ahaa oo uu ku ekaa Maalintii shalay aheeyd,waxaana uu ugu baaqay mudanayaasha baarlamaanka in 12-ka bishani uu kala fadhigii ugu horeeyay ee baarlamaanka uu ka bilaabandoono xarunta gaadiidka booliiska.

 

Ugu danbeeyntii  gudoomiyaha baarlamaanka sheikh Aadan Madoobe  ayaa sheegay in amaanka xarunta ay sugayaan ciidamada booliiska iyo maamulka gobolka Banaadir oo gacanta horay ugu hayay,waxaana uu gudoomiyaha ku celiyay in ay dayactir ku sameeynayana golaha shacabka ee magaalada Muqdisho oo iminka ay ka muuqadaan daqaradii dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho sanadihii burburka dalka.


Add New Comment