Doon ku degtay xeebaha Yeman oo ay ku dhinteenu ku dhowaad 45 ruux oo tahriibayaal ah

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Yemen waxay sheegtay ku dhawaad 45 ruux oo isagu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku dhintay badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yeman .
Dadkan ayaa doonta kasoo raacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaasoo intooda badan ay ka soo baxaan doonyaha sida dadka Tahriibiya. Sida wararku sheegayaan waxaa wali Badda lagu la’yahay tiro ka mid ah dadkii saarnaa doontaasi degtay, sidoo kale warku wuxuu sheegayaa in nolol lagu hayo ilaa 4 ruux oo kasoo badbaaday Doonidaasi degtay.
Doonida degtay waxaa saarnaa ilaa 48-qof oo Tahriibayaal Afrikan ah oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya iyo Itoobiyan, kadib markii mudo labo maalmood safar ku jirtay aya ay habeenimadii jimcada ay ku dhegtay meel 80-km u jirta deegaanka Mukalla oo ku yaala koofur Bari ee dalka Yemen .
Shilkaani wuxuu noqonayaa kii labaad ee mudo usbuuc gudihiis ah ka dhaca badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yeman .
Warbixin ay soo saartay hay’adda QM ee u qaabilsan arimaha qaxootiga  UNHCR waxay qoraysaa uguyaraan 590-ruux oo Afrikan oo Soomaali u badan  inay ku dhinteen 359 ruux la waayay tan iyo bilowgisanadii 2008.
Tahriib qatar ah 1.jpg
tahriibiin.jpg

Add New Comment