Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la qorsheynayo sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay waddo qorshe gargaar loogu uruurinayo dadka dhibaataysan ee Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay gargaar loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan kaasoo bilaaban doono waqtiyada soo socda, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed iyo jaaliyadaha dibadda jira in ay gacan ka geystaan sidii loo gargaari lahaa dadka dagaaladu ay saameeyeen islamarkaana guryahoodii dib loogu soo celin lahaa.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xaalado bini’aadanimo oo aad u liita ay ka jiraan Soomaaliya kuwaasoo si gaar ah u heysta dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka oo ay dagaalo ka dhaceen.

 

Gar gaarkaan uu sheegay madaxweyne sheekh Shariif in loogu tala galay dadka barakacayaasha ee dhibaataysan oo aan la ogeyn xiliga uu bilaabanayo ayaa waxaa ka faa’iidaysan kara hadii uu suura galo kumanaan dadweyne Soomaaliyeed ah oo ka cararay guryahoodii iyo kuwa horayba danyar u ahaa oo aan awoodin ay nolal maalmeedkooda ay dhacsadaan.

Add New Comment