Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu horkacayo oo shir caalami ah kaga qayb galaya magaalada Rooma


Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay gaareen magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga halkaasoo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Roma.

PM-B.jpgRa’iisul wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma'arke ayaa inrtii uusan soo gaarin magaalada Roma ay asaga iyo wafdiga la socda kasoo duuleen magaalada  Nairobi oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana wafdigiisa ka mid ah xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Roma kula kulmi doono Ra'sul wasaaraha dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi, kaasoo ay iskula soo qaadi doonaan cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Talyaaniga ay gacan uga geysan lahayd wax ka qabashada dhibaatda ka jirta Soomaaliya.


Add New Comment