Wafdi ka socda Hay'ad qaabilsan Ammaanka Badaha oo sheegay inay Ciidanka Badda Soomaaliyeed ku taageeri qalab mileteri


Wafdi ka socday shirkad qaabilsan ammaanka badaha oo lagu magacaabo FINDX ayaa shalay maalinnimadii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayagoona isla mar ahaantaa sheegay in ay Ciidamada Badda ee Dowladda ku taageeri doonaan diyaarado helicopters ah iyo doonyaha dheereeya.

 

admiralguutoB.jpgWafdiga oo markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho kaddib kulamo la qaatay madaxda sar sare ee Dowladda KMG ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, ayagoo intaas kaddibna booqday xeryo lagu tababarayo ciidan badeed oo ay Soomaaliya yeelan doonto.

 

Mr. Ibraahin Laqdar oo hoggaaminayey wafdiga shirkadda FINDX ayaa sheegay  inay diyaar u yihiin inay ciidanka Badda Soomaaliyeed ku taageeri doonaan doonyo dheereeya iyo diyaarado kuwa qumaatiga u kaco ah (helicopters) si ay ula dagaalamaan burcad badeedda ku soo badaneysa xeebaha ku dherersan Soomaaliyo.

 

Mr. Laqdar waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Badda Soomaaliyeed ay ka kaalmeyn doonaan dhinaca tababarrada, ayagoona sidoo kale u soo diri doona qubaro tababar u fidisa ciidanka badda ee u xareysan Dowladda KMG.

 

Sidoo kale masuulkaasi waxaa uu sheegay in taageerdaasi ay ka imaan doonto wadamada Mareykanka,Masar kuwaasi oo dhamaantooda ku mideysan shirkadani iyo weliba wadamada deeqaha bixiya.

 

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxa ay beryahan wadaan dadaal ay ugu jiraan sidii dib loogu howlgelin lahaa ciidankaas, ayadoo dhowaana lagu soo bandhigay warbaahinta dalka tababarro u socday ciidankaas iyo taliysahooda Admiral Faarax Qare oo sheegay in tiradoodu ay dhan tahay 500 oo askari.

Add New Comment