Hay'adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay waxa ka dhalan kara sii socoshada dagaallada Muqdisho


Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saartay in dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ay sababi karaan in dalka dib loosoo weeraro oo uu u galo gacan shisheeye.

 

shekhbashirB.jpgSheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa mar uu la hadlayey Idaacadda Shabeelle sheegay in dgaalada socda ay keeni karaan faragelin cadow shisheeye uu soo farageliyo Soomaaliya.

 

Gudoomiye Sheekh Salaad ayaa sidoo kale sheegay inaan fursad loo siin in ciidamo shisheeye ay gudaha u soo galaan dalka Soomaaliya, dhinacyada Soomaaliyeed ee ay dirirtu ka dhexeysana ku boorriyey inay feejignaadaan oo ay joojiyaan dagaallada.


Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay weli wadaan dadaalladii ay Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ku doonayeen in ku dhexdhexaadiyaa Dowladda iyo Ururrada Islaamiga ah ee ka soo horjeeda aysanna ka quusan.

 

Guddoomiye Sheeklh Bashiir  waxaa kale oo uu ku  baaqay in dadka barakacay ee ku dhibaataysan loo gurmado isagoona soo dhaweeyay gurmadkii ay u fidiyeen shirkadaha Ganacsiga iyo kuwa isgaarsiinta taasoo ay bilowday Shirkadda Isgaarisinta Hormuud Telecom.

 

Hadalkan digniinta ah ee Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmay xilli  la hadahaayo inay gudaha dalka Soomaaliya soo galeen ciidamo Ethiopian ah ayna weli sii socdaan dagaalladii magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey Dowladda KMG iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.


Add New Comment