Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali isugu jira oo ka soo tallaabay xadka kala qaybiya labada dal


Ciidamo Ethiopian ah oo ay la socdaan kuwo Soomaali ah ayaa soo galay goobo kukala yaalla gobollada Hiiraan iyo Bakool ee dalka Soomaaliya, kaddib markii ay ka soo ruqaansadeen gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

 

Ciidamadan oo tiradoodu lagu sheegay inay boqolaal isuguna jira Soomaali iyo Ethiopiaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwo lagu daabulo ciidamada ayaa waxaa sida la sheegay horkacaya saraakiil labada dhinac ah.

 


Ethio-withdrB.jpgDadka ku dhaqan degmooyinka Qalaafe iyo Ceelbarde ee ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Bakool iyo Hiiraan iyo dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa ay sheegeen in ay arkayeen qul qulka ciidamadani oo ku wajahanaa deegaano dhowr ah.


Dhaqdahaqaaqan ciidan ee ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ah ayaa waxaa si weyn looga dareemay deegaano badan oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo Isgooyska Kala Beyr.

 

Waxa jirta in dadku aad isu weydiinayaan sababta haatan keentay in ciidamo Ethiopian ahi ku soo laabtaan gudaha Soomaaliya kaddib markii dhowr bilood ka hor ay isaga baxeen dalka Soomaaliya, taasoo dadka qaar ay ku micneynayaan in Ethiopia aysan markii horeba daacad ka ahayn sheegashadii ahayd in ay isaga baxday Soomaaliya, halka qaar kale oo dadka ka mid ahina ay leeyihiin Ethiopia waxaa mar kasta uga yeera gudaha dalka Soomaaliya ururrada dagaalka ka wada dalka oo u sameeya sababo ay ku soo gasho gudaha ayadoo ku andacooneysa inay ilaalineyso ammaanka dalkeeda.


Add New Comment